Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Tababar Tijaabo ah: Ka Qaybqaadashada Barnaamijyada Nabad-dhisidda & Is-dhexgalka Bulshada

Xogta Guddida

Guddida Nabadda oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo tirsigiisu yahay 𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐋𝐫. 𝟎𝟏/𝟎𝟏𝟐𝟎𝟐𝟓, soona baxay 21-kii Jeenaweri 2025, waa hay’ad qaran oo u igman xoojinta nabadda, midnimada iyo xasiloonida geyiga Somaliland oo dhan.

Jagada

Ka Qaybqaadashada Barnaamijyada Nabad-dhisidda & Is-dhexgalka Bulshada

Wakhtiga

3 Bilood

Faahfaahin

Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay bixineysaa fursad shaqo-baris (internship) ah oo loogu talagalay dhalinyarada iyo ardayda jaamacadaha si ay u helaan khibrad la xiriirta nabad-dhisidda, is-dhexgalka bulshada, iyo xalinta khilaafaadka.

Mas'uuliyadaha

  • Ka qayb qaadashada diyaarinta doodaha bulshada iyo aqoon isweydaarsiyada.

  • Taageerida cilmi-baarista iyo warbixinnada barnaamijyada nabadda.

  • La shaqeynta xafiisyada gobollada si loo raaco barnaamijyada heshiisiinta.

  • Taageeridda maamulka baraha bulshada ee guddida.

Shuruudaha

  • Arday dhigta ama ka qalinjebiyey Aqoonta Nabadaynta, Cilmiga Siyaasadda, Bulshada, ama kuwa lamid ka ah.

  • Kartida qorista iyo isgaadhsiinta ee Af-Soomaali iyo Ingiriisi.

  • Xiisayn dhab ah oo ku aaddan adeega bulshada iyo nabad-dhisidda.

  • Xirfado kombuyuutar iyo isticmaalka baraha bulshada.

Goobta

Hargeisa

Wakhtiga Ugu Dambeeya Codsiga

15 Juun 2025

Sida Loo Codsado

Fadlan ku soo dir CV-gaaga iyo warqad kooban oo dhiirrigelin ah cinwaanka info@somalilandpeace.com, adigoo ku qoraya mowduuca emailka: Codsi Tababar – Nabad-dhisid.

Dumarka iyo dhallinyarada si gaar ah ayaa loogu dhiirrigelinayaa inay codsadaan.

Scroll to Top