Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

1

Kulan aqoon is-waydaarsi ah oo u dhaxeeyey Guddida Nabadda Qaranka iyo Ha’ayaddaha NIMD iyo Clingendael, ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Hargeysa.

1

Guddida Nabadda Qaranka JSL oo Kulan La Qaatay Beelaha Warsangeli, Ugaas Labe iyo Cabaas Muuse

1

Gudoomiyaha Guddida Nabadda Somaliland Mudane, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa ka hadlay kala duwanaanshaha Guddida Nabadda iyo Golaha Guurtida ee Somaliland.

1

Xafiiska Nabadgalyada DDS Oo Kulan La Qaatay Guddida Nabadda Somaliland Oo Maalmihii U Dameeyey Ku Sugnaa Magaalada Jigjiga. Kullanka ayaa ka qabsoomay xafiiska hogaanka nabadgalyadda DDS

1

Guddida Nabadda Somaliland oo Jigjiga hawlo shaqo u jooga Jigjiga ayaa la kulmay Ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi

1

Ujeedada la kulanka wasiirka madaxtooyadda ee DDS ee Guddida Nabadda ayaa daarnaa xoojinta nabadda guud ee gobolka, gaar ahaana colaadaha ka dhex shuuqaya dadka wada dega.

previous arrowprevious arrow
next arrownext arrow

Xogta Guddida

Guddida Nabadda oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo tirsigiisu yahay 𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐋𝐫. 𝟎𝟏/𝟎𝟏𝟐𝟎𝟐𝟓, soona baxay 21-kii Jeenaweri 2025, waa hay’ad qaran oo u igman xoojinta nabadda, midnimada iyo xasiloonida geyiga Somaliland oo dhan.

Hal-ku-dheggayagu waa: ‘Nabadi waa nolol’ oo ka turjumaya sida ay nooga go’an tahay in aannu ka shaqyano, sidii loo abuuri lahaa bulsho midaysan, muwaadin kastaana heli karo xaqa uu u leeyahay nabadgelyo iyo deegaan xasiloon.

Shaqada Guddida

Nabadaynta

Xoojinta wada-noolaanshiyaha, is-cafinta, iyo istixgelinta, si loo xoojiyo nabadda ka hanaqaadda geyiga Somaliland oo dhan.

Dib-u-heshiisiinta

Hirgelinta barnaamijyo dib u heshiisiineed, si loo daweeyo qaybsanaanta iyo tabashooyinka soo-jireenka ah.

Xalinta khilaafaadka

Aqoonsiga iyo wax-ka-qabashada sababaha asalka u ah khilaafka si looga hortago in ay sii fidaan, iyo dhexdhexaadinta...

Siyaasadda & Latalinta Xukuumadda

In dawladda lagala taliyo nabadaynta, xallinta khilaafaadka, iyo arrimaha ammaanka.

Farriinta Guddoomiyaha

Muwaadiniinta qimaha badan ee Somaliland,
Guddida nabadda Jamhuuriyadda Somaliland, waa hay’ad qaran oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo uu tirsigiisu yahay 01/012025, soona baxay 21 Jeenaweri 2025. Taas oo qaabilsan kobcinta nabadda, wadajirka iyo xasiloonida guud ahaan qaranka Somaliland.

Guddida Nabadda himiladeedu waa in ay dhisto Somaliland nabad ah, midaysan; isu-tanaasulka, wadatashiga, cadaaladda, iyo is-afgaradkuna ay sees u yihiin raadinta horumar waara, iyo horusocodka.

Nagala Qaybqaado Nabadaynta

Nabaddu waa waajib wadareed bulshada oo dhan uu xil ka saaran yahay, qof kastaana uu ku leeyahay kaalin uu ka qaato. Hoggaamiye bulsho, masuul dawladeed, xubin ka tirsan bulshada rayidka ah, ama muwaadin caadiya, mid kasta oo aad tahay, kaalinta aad nabadda ka qaadataa muhiimad weyn ayaa ay leedahay.

Jaalkayaga

Scroll to Top