Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Shaqo Tijaabo ah: Madaxa Qaybta Shaqaalaha

Xogta Guddida

Guddida Nabadda oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo tirsigiisu yahay π—πžπžπ« 𝐋𝐫. 𝟎𝟏/πŸŽπŸπŸπŸŽπŸπŸ“, soona baxay 21-kii Jeenaweri 2025, waa hay’ad qaran oo u igman xoojinta nabadda, midnimada iyo xasiloonida geyiga Somaliland oo dhan.

Jagada

Madaxa Qaybta Shaqaalaha

Goobta

Hargeisa

Faahfaahin

Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay raadinaysaa Madaxa Qaybta Shaqaalaha oo leh karti, khibrad, iyo hufnaan sare. Qofkan ayaa hogaamin doona hawlaha HR-ka.

Mas'uuliyadaha

  • Diyaarinta iyo hirgelinta siyaasadaha HR-ka.

  • Hogaaminta habka shaqaalaysiinta iyo tababarrada shaqaalaha.

  • Xalinta arrimaha shaqaalaha iyo horumarinta xidhiidhka shaqada.

  • Diiwaangelinta shaqaalaha iyo ilaalinta xogtooda si sir ah oo sax ah.

  • Hubinta u hoggaansanaanta sharciga shaqada ee dalka.

Shuruudaha

  • Shahaado jaamacadeed oo ku saabsan Maamulka Shaqaalaha, Maamulka Ganacsiga, ama la mid ah (Master’s waa dheeraad).

  • Khibrad shaqo oo ugu yaraan 5 sano ah oo HR ah.

  • Xirfado wanaagsan oo isgaarsiineed, maamul, iyo xalinta khilaafaadka.

  • Aqoonta labada luqadood – Af-Soomaali iyo Ingiriisi.

  • Khibrad la-shaqaynta NGO-yada ama hay’adaha dowliga ah.

Goobta

Hargeisa

Wakhtiga Ugu Dambeeya Codsiga

25 May 2025

Sida Loo Codsado

Codsadayaasha daneynaya waa inay soo diraan warqad codsi ah iyo CV-gooda, una diraan info@somalilandpeace.com iyagoo ku qoraya cinwaanka emailka: Codsi Shaqo – Madaxa Qaybta Shaqaalaha – [Magacaaga].

Kaliya codsadayaasha la xusho ayaa lala soo xidhiidhi doonaa.
Scroll to Top