Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Qandaraas Tijaabo ah: Iibsiga Qalabka Xafiiska

Xogta Guddida

Guddida Nabadda oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo tirsigiisu yahay 𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐋𝐫. 𝟎𝟏/𝟎𝟏𝟐𝟎𝟐𝟓, soona baxay 21-kii Jeenaweri 2025, waa hay’ad qaran oo u igman xoojinta nabadda, midnimada iyo xasiloonida geyiga Somaliland oo dhan.

Tixraaca Qandaraaska

PC/PROC/2025/001

Taariikhda La Soo Saaray

10/04/2025

Faahfaahin

Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargelinaysaa shirkadaha maxalliga ah ee u qalma inay soo gudbiyaan dalabkooda la xidhiidha iibsiga qalabka xafiiska sida kombuyuutarro, daabacayaal, kabadhka kaydka, iyo miisaska xafiisyada.

Shuruudaha U-qalmitaanka

  • Shirkad si sharci ah uga diiwaangashan Somaliland oo leh ruqsad shaqo.

  • Khibrad caddeyn u ah bixinta qalabka xafiisyada oo tayo leh.

  • Kartida in alaabta lagu keeno muddo 15 maalmood gudahood.

Goobta

Hargeisa

Wakhtiga Ugu Dambeeya Codsiga

02 Juun 2025

Sida Loo Gudbiyo Dalabka

Shirkadaha daneynaya waa inay codsigooda oo dhameystiran ku soo diraan email: info@somalilandpeace.com ama ha booqdaan xafiiskayaga ku yaalla Masala Village, Hargeysa.

Dalabyada waa in lasoo gudbiyaa ugu dambeyn 03:00 galabnimo taariikhdu markay tahay 02 Juun 2025.

Scroll to Top