Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Nagusoo Biir

Hoggaamiye bulsho, masuul dawladeed, xubin ka tirsan bulshada rayidka ah, ama muwaadin caadiya, mid kasta oo aad tahay, kaalinta aad nabadda ka qaadataa muhiimad weyn ayaa ay leedahay.

Nagala Qaybqaado Nabadaynta!

Nabaddu waa waajib wadareed bulshada oo dhan uu xil ka saaran yahay, qof kastaana uu ku leeyahay kaalin uu ka qaato. 

Hoggaamiye bulsho, masuul dawladeed, xubin ka tirsan bulshada rayidka ah, ama muwaadin caadiya, mid kasta oo aad tahay, kaalinta aad nabadda ka qaadataa muhiimad weyn ayaa ay leedahay. Wadajir baynu ku dhisi karnaa Somaliland aanay nabaddu ahayn riyo keliya, balse ah xaqiiqo ay inaga dhaxlaan jiilasha soo socdaa.

Wadajir ayaa aynnu ku dhisi karnaa, Somaliland dadkeedu midaysanyahay oo nabadgelyo ah. Sidaas awgeed nagala qaybqaado dadaallada aanu ku gaadhayno higsiga guddida, si aynnu u abuurno Somaliland mustaqbalkeedu ifayo.

Scroll to Top