“Guddida Qabanqaabada Gogogasha Nabada ee madaxweynuhu soo diray oo soo afjartay arrin 7 sannadood la xallin waayey”
Xuseen Maxamed Salaax (Binaate) ayaa ahaa marxuumkii laga heshiiyay, kaasi oo lagu dilay deegaanka Carmal ku dhawaad todoba sano ka hor. Marxuumka ayaa ahaa taliye guuto ka tirsan ciidanka Somaliland ee halkaas deganaa.
Dilka marxuumka oo muddo dheer xanuun iyo muran ka taagnaa ayaa markii ugu dambaysay dadaal dheer kadib lagu guuleystay in xal laga gaadho. Guddida qaban qaabada gogosha nabadda iyo Guddida Nabada Qaranka ayaa door weyn ka qaatay isku keenidda labada dhinac.
Xaajo qaadashada oo muddo dheer soo jiitantay ayaa ugu dambayn si rasmi ah looga heshiiyay, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada deegaankaas.