Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Farriinta Guddoomiyaha

Muwaadiniinta qimaha badan ee Somaliland,
Guddida nabadda Jamhuuriyadda Somaliland, waa hay’ad qaran oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo uu tirsigiisu yahay 01/012025, soona baxay 21 Jeenaweri 2025. Taas oo qaabilsan kobcinta nabadda, wadajirka iyo xasiloonida guud ahaan qaranka Somaliland.

Guddida Nabadda himiladeedu waa in ay dhisto Somaliland nabad ah, midaysan; isu-tanaasulka, wadatashiga, cadaaladda, iyo is-afgaradkuna ay sees u yihiin raadinta horumar waara, iyo horusocodka.

Si ay uga midhadhaliso waajibka ka saaran dhismaha nabad waarta, guddidu waxa ay ka shaqaynaysaa dhiirrigelinta wada-xaajoodka dhinacyada, xoojinta dadaallada bulshada ee xal u raadinta is-mari-waaga, iyo in ay gacan ka geysato sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka. Sidoo kalana waxa ay xukuumadda kala talisa siyaasadaha iyo qorshayaasha istaraatijiga ah ee xidhiidhka la leh nabadda, iyada oo jaal la noqonaysa daneeyeyaasha nabadda ee maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba.

Guddida Nabadda waxaa ka go’an, in dhammaan qaybaha bulshada ay ka hawlgeliso dadaallada wada-xaajoodka, iyo abuuritaanka is-afgaradka, iyada oo shaqadeeda sees uga dhigaysa mabaadii’da daahfurnaanta, dhexdhexaadnimada, ka wada qaybgelinta bulshada, iyo xurmaynta shareecada Islaamka iyo xeerarka dalka, si loo xaqiijiyo nabadda adkaynteeda.

Guddidu waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta, in ay ogaadaan dulqaadka, diidaan colaadaha, si firfircoonna ay uga qaybqaataan raadinta nabadda iyo midnimada.

Wadajir ayaa aynnu kaga gudbi karnaa qaybsanaanta, kuna xoojin karnaa abtirsiinta qarannimo ee innaga dhaxaysa, si aynnu Somaliland ugu dhisno mustaqbal ifaya.

Waad ku mahadsantihiin.

Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde

Guddoomiyaha

Guddida nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Scroll to Top