Baro Guddida
Guddida Nabadda oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo tirsigiisu yahay 𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐋𝐫. 𝟎𝟏/𝟎𝟏𝟐𝟎𝟐𝟓, soona baxay 21-kii Jeenaweri 2025, waa hay’ad qaran oo u igman xoojinta nabadda, midnimada iyo xasiloonida geyiga Somaliland oo dhan.
Guddida Nabadda oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo tirsigiisu yahay 𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐋𝐫. 𝟎𝟏/𝟎𝟏𝟐𝟎𝟐𝟓, soona baxay 21-kii Jeenaweri 2025, waa hay’ad qaran oo u igman xoojinta nabadda, midnimada iyo xasiloonida geyiga Somaliland oo dhan.
Hal-ku-dheggayagu waa: ‘Nabadi waa nolol’ oo ka turjumaya sida ay nooga go’an tahay in aannu ka shaqyano, sidii loo abuuri lahaa bulsho midaysan, muwaadin kastaana heli karo xaqa uu u leeyahay nabadgelyo iyo deegaan xasiloon.
Hiraalkayaga
Hiraalkayagu waa Somaliland nabad ah, midaysan, cadaaladda iyo dib u heshiisiintuna ay aasaas u yihiin horusocodka qaranka iyo horumar waara.
Higsigayaga
Guddida nabad ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u taagantahay adkaynta nabadda iyo midnimada qaranka. Waxa ay fududayn doonta wada-hadallada nabadda, xallinta khilaafadka, xoojinta dadaallada dib u heshiisiinta ee bulshada dhexdeeda. Iyada oo la xallinayo sababta khilaafka asalka u ah, lana dhaqangelinayo barnaamijyada nabadaynta.
Ujeeddadayadu waa in aanu abuurno dhaqan ah istixgelin, isfaham, iyo iskaashi. Waxa aanu ku dadaalaynaa in aannu abuurno bulsho xasiloon, muwaafaqo dhextaallo, horumarkuna noqdo mid muwaadiniinta wada gaadha, annaga oo la shaqayn doonna muwaadiniinta, hay’adaha dawladda iyo jaalka caalamiga ah.
Qiyamkayaga
Hufnaan
In run, daacadnimo, Daahfurnaan iyo akhlaaq wanaagsan aannu sal uga dhigno dadaalladayada dhismaha nabadda
Dhexdhexaadnimo
In aannu dhex u ahaanno dhinacyada is-haya, hannaanka dhexdhexaadintana cadaalad ku galno.
U dhammaanshiyo
Xaqiijinta in dhammaan qaybaha bulshada iyo danyeeyeyaashu ay si siman uga qaybqaataan hindisayaasha nabadda.
Tixgelinta sharciga iyo dhaqanka
In xallinta khilaafaadka aannu u marno shuruucda iyo dhaqanka ay ka mid tahay shareecada islaamka, xeerarka dalku.
Iskaashi
La shaqaynta hay’adaha dawladda ee xidhiidhka shaqo aannu leenahay, iyo hay’adaha iyo ururrada maxaliga ah ama caalamiga ah, si loo xoojiyo dadaallada nabadda.
Joogtayn
Hirgelinta xalal cimri dheer, si loo helo nabad iyo xasilooni waarta.
Adkaysi
Dhiirrigelinta in bulshadu ay ka gaashaamato qaybsanaanta, wadajirna hore loogu socdo.
Qaab-dhismeedka Maamul ee Guddida
Guddida nabadda ee jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ka kooban tahay toddoba xubnood oo ay jiraan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenku. Waxaana gacanyare u ah xoghaye guud oo uu guddoomiyuhu magacaabo, lataliyeyaal iyo khubaro hadba sida baahidu tahay loo qaato, iyo qaybta fulinta oo ka masuul ah maamulka iyo Maaraynta hawl-maalmeedka, iyo fulinta hindisayaasha nabadda. Si ay nabaddu gunta uga soo tolantana, waxaa jira xafiisyo gobaleedyo hoos ka soo bilaabaya dadaallada nabadda.
Waxa Aannu u Igmannahay!
Adkaynta Nabadda iyo Midnimada Qaranka
Xoojinta wada-noolaanshiyaha, is-cafinta, iyo istixgelinta, si loo xoojiyo nabadda ka hanaqaadda geyiga Somaliland oo dhan.
Dib u Heshiisiin iyo Isku-duubni Bulsho
Hirgelinta barnaamijyo dib u heshiisiineed, si loo daweeyo qaybsanaanta iyo tabashooyinka soo-jireenka ah.
Iskaashiga iyo Wada Shaqaynta Caalamiga ah
La shaqaynta hay’adaha maxalliga ah iyo kwua caalamiga ah, si loo xoojiyo ajandaha nabadda ee Somaliland.
Ka Hortagga Colaadaha iyo Xalintooda
Aqoonsiga iyo wax-ka-qabashada sababaha asalka u ah khilaafka si looga hortago in ay sii fidaan, iyo dhexdhexaadinta khilaafaadku haddii ay qarxaan iyada oo lagu gelayo daacadnimo iyo eex la’aan.
La Talin iyo Horumarinta Siyaasadda
In dawladda lagala taliyo nabadaynta, xallinta khilaafaadka, iyo arrimaha ammaanka.
Awood-dhiska iyo Kobcinta Hay’ada
Xoojinta awoodaha iyo kartida maxalliga ah ee nabadaynta, iyo taageeridda dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ay bulshadu wado.