Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Guddida Nabadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socday dowladda Boqortooyada Ingiriiska (UK)

Guddida Nabadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiin ka socday dowladda Boqortooyada Ingiriiska (UK), kuwaas oo kala ahaa Paul-Andre Wilton oo ka socday Safaaradda UK ee Kenya, iyo Louise Hancock oo ah Madaxa Xafiiska Somaliland ee UK.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo UK, gaar ahaan arrimaha nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga mandaqadda.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo la xidhiidha xaaladaha amni ee gobolka, doorka Somaliland kaga jirto ilaalinta nabadda iyo sidii loo sii adkayn lahaa wada shaqaynta labada dhinac.

Guddida Nabadda Qaranka JSL ayaa dowladda UK uga mahadcelisay taageerada ay la garab taagan tahay Somaliland, halka masuuliyiinta UK ay bogaadiyeen dedaallada Somaliland ee dhinacyada nabadda, xasilloonida iyo amniga mandaqadda.

 

Scroll to Top