Guddida Nabadda Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan ehelada, qoysaska iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boorama. Guddidu waxay Eebbe uga baryaysaa naxariistii Janno inuu ka waraabiyo dhammaan marxuumintii, inta ku dhaawacantayna Ilaahay ha u boogo dhayo oo caafimaad sareecan ha siiyo.
Guddida Nabadda Qaranku waxa kale oo ay si buuxda u taageeraysaa baaqyadii nabadeed ee kala duwanaa ee kasoo baxay xildhibaanada, aqoonyahanka iyo waxgaradka bulshada, kuwaas oo xoojinaya muhiimadda wada hadalka, xasilloonida, iyo ilaalinta midnimada qaranka Somaliland.
Sidoo kale, guddidu waxay si rasmi ah u taageeraysaa go’aanka ay soo saareen salaadiinta Somaliland ee lagu hakiyey bandhigga buugga Xeer Ciise, isla markaana lagu adkeeyay gogosha nabadeed ee la dhigayo 10-kii bishan, si looga wada hadlo arrimaha taagan loogana gaadho xal waara oo waafaqsan danta iyo wadajirka bulshada.
Guddida Nabadda Qaranka waxay maanta shir degdeg ah ku yeesheen magaalada Hargeysa, kaasi oo lagaga arrinsaday xaaladda ammni ee dalka, gaar ahaan dhacdadii Boorama. Gudidu waxay ka soo saartay shirkaasi qodobadan:
1. In colaadda iyo shaqaaqada laga wada shaqeeyo sidii loo joojin lahaa laguna beddeli lahaa wadahadal iyo isu soo dhowaansho.
2. In bulshada reer Somaliland dhammaantood ay ka shaqeeyaan xasiloonida iyo nabadda.
3. In cid kasta oo nabadda ka shaqaysa Guddidu la garab taagan tahay taageero buuxda.
Ugu dambayn, Guddida Nabadda Qaranka waxay mar kale bulshada u soo jeedinaysaa inay xoojiyaan wadajirka, is xushmeeyaan, kana shaqeeyaan ilaalinta nabadda oo ah tiirka ugu weyn ee qarankeenu ku taagan yahay ah.
