Guddida qabanqaabada gogosha nabadda ayaa maanta oo jimce ah bulshada magaalada Ceerigaabo kala hadlay Masjid Jaamaca weyn. Kalmada guddida ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadda iyo wadajirka bulshada deegaanka.Farrinta ay guddidu u gudbisay bulshada ayaa ahayd adkaynta nabadda, midnimada iyo iskaashiga bulshada, iyagoo ku booriyay in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa degenaanshaha iyo iskaashiga bulshada deegaanka.
Maxamed Nuur Carraale (Duur) xoghayaha guddida nabada Qaranka iyo wasiir ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Jamaal Jaamac Xaamuud ayaa hadallo dhiirrigelin iyo dardaaran ah jeediyay. Labada masuul ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda nabaddu u leedahay horumarinta bulshada.





































