Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Ceerigaabo: Dil Afar Sanno Ka Hor Ka Dhacay Magalada Ceerigaabo Oo Maanta Laga Heshiiyey

Guddida gogosha nabadda, guddida nabadda qaranka, maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Ceerigaabo ayaa si rasmi ah u soo afjaray kiis dil ah oo muddo afar sano ah lagu kala xaajo qaadan waayey.

Dilka maanta arrinkiisa soo dhamaaday ayaa dhacay 02/09/2022, waxaana ku geeriyooday marxuum Xasan Saalax Maxamuud oo loo garan ogaa (Xiin).

Dadaallo iyo wadatashi dheeraad ah oo ay hormuud ka ahaayeen guddida gogosha nabadda iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu dambayn isu keenay labada dhinac Cabdalle Xaamud (Muuse Ismaaciil) iyo Nuux Cumar iyo Axmed Cumar (Warsangeli).

Wax si rasmi ah loo kala saxeexday heshiis kama dambays ah oo lagu soo afjaray xaajadda labada beelood.

Guddida diyaarinta gogosha nabadda ayaa sheegay in heshiisku yahay guul weyn oo bulshada Ceerigaabo u horseedi doona xasilooni iyo midnimo, isla markaana dhabaha u sii xaadhaya qabsoomida shirka nabadda ee maalmaha fooda innagu soo haya ka qabsoomi doona magaaladda Ceerigaabo.

 

 

Scroll to Top