Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Muuqaal: Dood Ku Saabsan Doorka Ururrada Bulshada ee Nabadda oo Lagu Qabtay Ceerigaabo

Sanaag Institute for Peace and Conflict Studies (SIPCS) ayaa xalay magaalada Ceerigaabo ku qabtay dood diiradda lagu saaray doorka ururrada bulshada ee ka qaybqaadashada iyo xoojinta nabadda.

Dooddan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka soo qayb galay xubno ka tirsan Guddida Nabadda ee Qaranka, laamaha amniga ee gobolka, maamulka gobolka, ka degmada, ururada bulshada ee rayidka ah, dhalinyaro, haween iyo aqoonyahanno.

Dooddu intii ay  socotay, waxaa si qoto dheer looga hadlay muhimada ay ururrada bulshada u leeyihiin ilaalinta iyo horumarinta nabadda, gaar ahaan doorka ay ku leeyihiin xallinta khilaafaadka, wacyigelinta bulshada iyo dhiirrigelinta wada noolaanshaha.

Xoghayaha Guddida Nabadda Qaranka Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in nabadda ay tahay tiirka ugu weyn ee horumarka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in bulshada rayidka ahi ay si buuxda uga qayb qaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo wadajirka.

Scroll to Top