Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Ceerigaabo: Guddida Farsamo Ee Suldaan Siciid Cabdisalaan iyo Guddida Qabanqaabada Shirka Oo Kulankii Labaad Wada Yeeshay

Guddida qabanqaabada shirka nabadda Ceerigaabo ee uu dhawaan Madaxweynaha JSL soo magacabay iyo Guddida Farsamo ee uu soo diray Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa maanta kulankii labaad Ku yeeshay xurunta Madaxtooyada Ceerigaabo.

Kulankan oo qayb weyn ka ah dadaallada lagu diyaarinayo gogosha shirka nabadda ee dhawaan la filayo in lagu qaban doono magaalada Ceerigaabo ayaa lagu falanqeeyey qodobbo la xidhiidha habsami u socodka shirka iyo diyaarinta ajandahyaasha.

Scroll to Top