Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Wefti hordhac u ah gogosha nabadda ee beesha Warsangeli oo soo gaadhay Ceerigaabo

Guddida qaban qaabada gogosha nabadda, xubno ka mid ah Guddida Nabadda Qaranka, maamulka gobolka Sanaag ayaa duleedka magaalada Ceerigaabo ku soo dhaweeyey xubno hordhac u ah ergadda shirka nabadda Sanaag ee beesha Warsangeli.

Odyaasha iyo madax dhaqameedka soo gaadhay Ceerigaabo ayaa waxaa hor kacayey Boqor Ibrahim Mohamed Hasan (Gacmayare), Caaqil Sharmake warsame Dalmar, Caaqil Xusen Xasan (Karsay), Oday siciid Maxamud ismail, Caqil Cabdiqani Qalbi, Guurti Jaamac Salaad, Caqil Cabdicasiis Qalib, Jiif Caqil Jaamac Carab

Scroll to Top