Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

Waxaanu Si Buuxda U Qaadanay Una Ajiibnay Gogoshii Nabadda Ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro).

Waxaanu Si Buuxda U Qaadanay Una Ajiibnay Gogoshii Nabadda Ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro).

Codka Laysku raacay

Guddida qabanqaabada shirka nabadda Ceerigaabo iyaga oo ku guda jira kulmadii beelaha dega degmada Ceerigaabo, ayaa beelweynta Habarjoonis Bari iyo bah-wadaagteedu iska xuleen 61 xubnood oo isugu jira salaadiin (Isamo), cuqaal, waxgarad iyo nin garbood.

Fadhigii kowaad ee guddida la saaray ayaa qabsoomay maanta 28 September 2025, waxaana cod gacantaag ah lagu meel mariyey ajande ka koobaan saddex qodob oo kala ah:

1. Waxaa dhammaan laysku raacay in la ajiibo lana qaato nabadda iyo gogosha madaxweyne Cabdiraxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) dhigay degmada Ceerigaabo.
2. In beelweynta Warsangeli si nabad iyo derisnimo ku jirto lagula xaalo.
3. In wixii farsamo ah loo saaro guddi koobaan

Kulanka waxaa ka muuqday in beelweynta Habaryoonis Bari iyo bahwadaagteedu ay diyaar u yihiin dhib kasta oo la kala tirsanaayo in lagu dhameeyo xal nabadeed.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka mid ah guddida uu madaxweynuhu u saaray qabanqaabada shirka, maamulka gogolka iyo maamulka degmadda.

Allah Mahad leh

Scroll to Top