Aqoonyahanka gobolka ayaa si kal furan uga hadlay gogosha nabadda ee uu fidiyey madaxweynaha Somaliland mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), taas oo ay ku tilmaameen danta shacabka Sanaag.
Dhallinta aqoonyahanka ah ayaa muujiyey bisayl iyo nabad jacayl, iyaga oo hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in nabad lagu wada noolaado, lana soo celiyo is dhexgalkii bulshada reer Sanaag ku soo caanamaashay, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo caqabad ku ah gogosha nabadda.
Gabagabadii masuuliyiinta heer qaran ee madasha ka soo qayb gashay ayaa aqoonyahanka reer Sanaag uga mahadnaqay qaab fikirka wanaagsan ee la xidhiidha xalka nabadda ee ay soo jeediyeen iyo doorka firfircoon ee ay mar kasta ka soo qaateen ilaalinta nabadda.