War-Saxaafadeed
Gudida Nabadda Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan gaar ah Magaalada Jigjiga kula yeeshay Ugaaska Guud ee Beesha Gadabuursi
Jigjiga – 1-da May, 2025
Gudida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay Magaalada Jigjiga Ugaaska Guud ee Beesha Gadabuursi , Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nabadda, is-afgaradka, iyo wada noolaanshaha shacabka Somaliland iyo dalalka deriska la ah.
Intii uu socday kulanka, Gudida Nabadda waxay Ugaaska u gudbiyeen salaam sharaf ay ka sideen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro). Guddidu waxay uga mahadcelisay Ugaaska doorka muhiimka ah ee beesha Gadabursi ay ku leedahay xoojinta midnimada iyo nabadda dalka.
Dhankiisa, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa si diirran u soo dhaweeyay guddida, isagoo ballan qaaday taageero buuxda oo ay beesha Gadabursi la garab taagan tahay nabadda iyo xasilloonida dalka. Ugaasku wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay gurigiisa, ayna u furan tahay mar kasta oo uu doono, isaga oo carabka ku adkeeyay inuu door muuqda ka qaadan doono dadaallada lagu xoojinayo nabadda gobolka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.
Sidoo kale, Ugaasku wuxuu guddida faray inay salaam sharaf ka gaadhsiiyaan Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumaddiisa, isagoo muujiyay kalsooni buuxda oo uu ku qabo xukuumadda cusub ee uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro).
Kulankan ayaa qayb ka ah qorshaha joogtada ah ee Gudida Nabadda Somaliland ay ku doonayso in lagu xoojiyo wada-hadalka, is-fahamka, iyo nabad waarta oo saldhig u noqda horumarka iyo midnimada qaranka Somaliland.