Qandaraas Tijaabo ah: Iibsiga Qalabka Xafiiska
Xogta Guddida
Guddida Nabadda oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo tirsigiisu yahay 𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐋𝐫. 𝟎𝟏/𝟎𝟏𝟐𝟎𝟐𝟓, soona baxay 21-kii Jeenaweri 2025, waa hay’ad qaran oo u igman xoojinta nabadda, midnimada iyo xasiloonida geyiga Somaliland oo dhan.
Tixraaca Qandaraaska
PC/PROC/2025/001
Taariikhda La Soo Saaray
10/04/2025
Faahfaahin
Guddida Nabadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargelinaysaa shirkadaha maxalliga ah ee u qalma inay soo gudbiyaan dalabkooda la xidhiidha iibsiga qalabka xafiiska sida kombuyuutarro, daabacayaal, kabadhka kaydka, iyo miisaska xafiisyada.
Shuruudaha U-qalmitaanka
-
Shirkad si sharci ah uga diiwaangashan Somaliland oo leh ruqsad shaqo.
-
Khibrad caddeyn u ah bixinta qalabka xafiisyada oo tayo leh.
-
Kartida in alaabta lagu keeno muddo 15 maalmood gudahood.
Goobta
Hargeisa
Wakhtiga Ugu Dambeeya Codsiga
02 Juun 2025
Sida Loo Gudbiyo Dalabka
Shirkadaha daneynaya waa inay codsigooda oo dhameystiran ku soo diraan email: info@somalilandpeace.com ama ha booqdaan xafiiskayaga ku yaalla Masala Village, Hargeysa.
Dalabyada waa in lasoo gudbiyaa ugu dambeyn 03:00 galabnimo taariikhdu markay tahay 02 Juun 2025.