




Guddidda nabadda Qaranka, guddida qaban-qaabada shirka nabada Sanaag, maamulka gobolka, ka degmada iyo laamahaa ammaanka oo maanta kulan muhiima la yeeshay waayeelka iyo waxgaradka reer Ceerigaabo. Kulaanka oo ahaa mid dhabaha loogu xaadhayo qabsoomida shirka nabadda.
Warar
Guddida gogosha nabadda ayaa maanta 13 October 2025 wajigii koowaad ee magta marxuum Xuseen Maxamed Salaax …
Guddida qabanqaabada gogosha nabadda ayaa maanta oo jimce ah bulshada magaalada Ceerigaabo kala hadlay Masjid Jaamaca …
Guddida gogosha nabadda, guddida nabadda qaranka, maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Ceerigaabo ayaa si rasmi …
Xogta Guddida
Guddida Nabadda oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo tirsigiisu yahay 𝐗𝐞𝐞𝐫 𝐋𝐫. 𝟎𝟏/𝟎𝟏𝟐𝟎𝟐𝟓, soona baxay 21-kii Jeenaweri 2025, waa hay’ad qaran oo u igman xoojinta nabadda, midnimada iyo xasiloonida geyiga Somaliland oo dhan.
Hal-ku-dheggayagu waa: ‘Nabadi waa nolol’ oo ka turjumaya sida ay nooga go’an tahay in aannu ka shaqyano, sidii loo abuuri lahaa bulsho midaysan, muwaadin kastaana heli karo xaqa uu u leeyahay nabadgelyo iyo deegaan xasiloon.

Shaqada Guddida
Farriinta Guddoomiyaha
Muwaadiniinta qimaha badan ee Somaliland,
Guddida nabadda Jamhuuriyadda Somaliland, waa hay’ad qaran oo ku aasaasan xeer madaxweyne oo uu tirsigiisu yahay 01/012025, soona baxay 21 Jeenaweri 2025. Taas oo qaabilsan kobcinta nabadda, wadajirka iyo xasiloonida guud ahaan qaranka Somaliland.
Guddida Nabadda himiladeedu waa in ay dhisto Somaliland nabad ah, midaysan; isu-tanaasulka, wadatashiga, cadaaladda, iyo is-afgaradkuna ay sees u yihiin raadinta horumar waara, iyo horusocodka.

Nagala Qaybqaado Nabadaynta
Nabaddu waa waajib wadareed bulshada oo dhan uu xil ka saaran yahay, qof kastaana uu ku leeyahay kaalin uu ka qaato. Hoggaamiye bulsho, masuul dawladeed, xubin ka tirsan bulshada rayidka ah, ama muwaadin caadiya, mid kasta oo aad tahay, kaalinta aad nabadda ka qaadataa muhiimad weyn ayaa ay leedahay.
Jaalkayaga





